HORDHAC
20/9/2026, Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta ee Puntland ayaa magacawday guddi culimo ah si loo xalliyo muran madani ah oo ku saabsan wiil ay isku haysteen labo daraf oo dagan Magaalada Gaalkacyo.
Magacaabista guddigan waxay timid kaddib markii Wasaaraddu tixraacday heshiiskii ay dhinacyada reer Khalaf iyo Carab Saalax gaareen 17-kii May 2026. Iyadoo laga duulayo baahida loo qabo helitaanka caddaalad rasmi ah iyo soo afjaridda muranka, Wasaaraddu waxay magacaabista guddiga culimada ku salaysay Qodobka 9aad ee Dastuurka Puntland, Qodobbada 317 iyo 333 ee Xeerka Madaniga, iyo Xeerka Axkaamta Qoyska ee Puntland ee 2013.
Waxaa xusid mudan in isku haysiga murankan uu dhaliyay isku dhac qabiil iyo dagaal, kaas oo sababay naf iyo maal, khasaaro hanti, dhaawacyo badan iyo dhimashada dad gaaraya toddoba (7) qofood.
Hase yeeshee, Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, oo ah oday dhaqameed magac leh iyo Isim fadhigiisu yahay Gaalkacyo, gobolka Mudug ee Puntland, Soomaaliya, ayaa magacaabay 13 qof si khilaafka loogu xalliyo nabad iyo heshiis. Taas oo keentay in wixii qisaas ah ee labada qabiil isku qisaastaan, wixii kalenah lagu beddelo diyo 100 geel oo lagu qiimeeyay halkii qaallin 700 doolar, iyoh yabooh dhan 90 kun oo doolar ee labada qabiil.
Nasiib darro, taasi ma keenin in labada qabiil nabad ku wada noolaadaan, waxaana dib u bilowday dagaallo sokeeye ilaa ay dowladdu soo faragelisay.
Maqaasidda Shareecada Islaamku Waxay Ku Dhisan Tahay Ilaalinta Shanta Arrimood ee Aasaasiga ah
Shareecada Islaamku waxay ku dhisan tahay ilaalinta shan arrimood oo aasaasi u ah nolosha bani’aadamka. Shantan arrimood waxay ka mid yihiin ujeeddooyinka ugu waaweyn ee shareecada, waxaana ilaalintoodu muhiim u tahay xaqiijinta caddaaladda, dhowrista xuquuqda qofka iyo sugidda xasilloonida bulshada. Shantaas arrimood waxay kala yihiin:
1. Ilaalinta Diinta (حفظ الدين): dhowrista caqiidada, cibaadada iyo xaqa qofka u leeyahay ku dhaqanka diintiisa. قال رسول الله ﷺ
«مَنْ قَاتَلَ لِتَكُونَ كَلِمَةُ اللَّهِ هِيَ الْعُلْيَا فَهُوَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ». Rasuulka Alle ﷺ wuxuu yiri: Qofkii u dagaallama si uu ereyga Alle u noqdo kan ugu sarreeya, kaas ayaa ku jira jidka Alle.’ Waxaa wariyey Al-Bukhaari (2810).
2. Ilaalinta Nafta (حفظ النفس): dhowrista nolosha bani’aadamka, karaamadiisa iyo ka hortagga dilka, dhaawaca iyo gardarrada. Xadiiska:
قال رسول الله ﷺ في خطبة حجة الوداع:
«فَإِنَّ دِمَاءَكُمْ وَأَمْوَالَكُمْ وَأَعْرَاضَكُمْ عَلَيْكُمْ حَرَامٌ». Rasuulka Alle ﷺ wuxuu yiri khudbaddii Xajjatul-Wadaac: ‘Dhiiggiinna, maalkiinna iyo sharaftiinnu waa idinka xaaraan (in la waxyeelleeyo).’ Waxaa wariyey Al-Bukhaari (67).
3. Ilaalinta Caqliga (حفظ العقل): dhowrista garaadka iyo awoodda fikirka qofka, iyadoo laga hortagayo wax kasta oo waxyeello u geysanaya caqliga, sida khamriga iyo maandooriyaha.
قال رسول الله ﷺ:
«كُلُّ مُسْكِرٍ حَرَامٌ». Rasuulka Alle ﷺ wuxuu yiri: ‘Wax kasta oo maanka dooriya waa xaaraan.’
4. Ilaalinta Faraca iyo Nasabka (حفظ النسل والنسب): dhowrista xiriirka qoyska, xaqiijinta abtirsiinta saxda ah iyo ilaalinta xuquuqda carruurta iyo waalidiinta.
قال رسول الله ﷺ:
«الْوَلَدُ لِلْفِرَاشِ، وَلِلْعَاهِرِ الْحَجَرُ». Rasuulka Alle ﷺ wuxuu yiri: ‘Ilmuhu wuxuu raacayaa gogosha guurka, halka ninka sinaystay uusan xaq u lahayn inuu ilmaha sheegto.’ Waxaa isku raacay Al-Bukhaari (6750) iyo Muslim (1457).
5.Ilaalinta Maalka (حفظ المال): dhowrista hantida iyo xuquuqda lahaanshaha, iyadoo laga hortagayo xatooyada, boobka, khiyaanada iyo dulmiga dhaqaale.
قال رسول الله ﷺ:
«فَإِنَّ دِمَاءَكُمْ وَأَمْوَالَكُمْ وَأَعْرَاضَكُمْ عَلَيْكُمْ حَرَامٌ». Rasuulka Alle ﷺ wuxuu yiri: ‘dhiiggiinna, maalkiinna iyo sharaftiinnu waa idinka xaaraan (in la waxyeelleeyo).’ Waxaa wariyey Al-Bukhaari (67).
Shanta arrimood ee aasaasiga ah ee kor ku xusan waxay udub-dhexaad u yihiin ujeeddooyinka waaweyn ee shareecada Islaamka. Hase yeeshee, qodobka afraad, oo ah ilaalinta faraca iyo nasabka, ayaa si gaar ah ula xiriira mawduuca maqaalkan iyo khilaafka ka dhashay sheegashada aabbanimada Maxamed Liibaan Tahliil.
Ilaalinta nasabku waxay ka dhigan tahay dhowrista xiriirka qoyska iyo guurka, xaqiijinta abtirsiinta saxda ah iyo sugidda xuquuqda carruurta, iyadoo laga hortagayo isku dhexyaaca nasabka iyo ku xadgudubka xuquuqda xubnaha qoyska
Caqabadaha Guurka iyo Saamaynta ay ku leeyihiin Ilaalinta Nasabka ee Bulshada Soomaaliyeed
Guurku waa aasaaska dhismaha qoyska iyo habka sharciyeed ee lagu sugo xiriirka lammaanaha, faraca iyo nasabka. Bulshada Soomaaliyeed waxaa soo jireen u ahaa caqabado iyo muranno la xiriira guurka, kuwaas oo qaarkood ka dhasha marka aan la raacin shuruudaha iyo habraacyada uu dhigayo sharciga Islaamku. Sida ku cad fiqiga madhabka Shaaficiga, guurku wuxuu leeyahay shan tiir oo aasaasi ah ama arkaan[1],
«للنكاح أركان خمسة: وهي: صيغة، وزوجة، وزوج، ووليّ، وشاهدان».
Waxay kala yihiin;
Seegada guurka (Tusaale ahaan “Waan ku guuriyay ama “Gabadhayda waan ku guurshay” waa tan furta heshiiska, waxayna ka imaanaysaa waliga iyo aqbaliddu waa jawaabta ninka, isagoo muujinaya inuu ogolaaday, sida “Waan guursaday” ama “Gabadhaada waan guursaday”. Marka labadan hadal is waafaqaan, heshiiska guurku wuu dhammaystirmayaa.), Iyoh in la helo, Xaas, Nin, Wali iyo Laba markhaati.
Dawladaha casriga ah qaarkood waxay ku dareen nidaamka guurka shuruudo maamul iyo sharci oo dheeraad ah, kuwaas oo ay ugu muhiimsan tahay diiwaangelinta rasmiga ah ee guurka. Sidaas darteed, labada qof ee is guursanaya waxaa laga rabaa inay guurkooda ka diiwaangeliyaan hay’adaha dawladda ee awoodda u leh, si loo helo caddeyn rasmi ah oo muujinaysa jiritaanka guurka, loona ilaaliyo xuquuqda labada isqaba iyo tan carruurta ka dhalata.
Xaliimo Yuusuf Maxamed waxay dhowr nin la gashay heshiis guur oo qarsoodi ah oo aan lahayn xaflad dadweyne ama diiwaangelin rasmi ah, lagana qariyey bulshada iyo qoysaska qaarkood. Guurka noocan ahi wuxuu keenay dhibaatooyin sharci iyo bulsho, gaar ahaan luminta xuquuqda haweeneyda ee masruufka (nafaqada), dhaxalka iyo furriinka, iyo caqabadaha ka dhasha sugidda nasabka carruurta iyo helitaanka shahaadooyinka dhalashada.
Waxaa intaas dheer, xaaladdan waxay dhalisay cawaaqib bulsho oo aad u daran, oo ay ka mid yihiin dhimasho dad ka badan 5 qof oo ku dhintay dagaal beeleedyo, dhaawac, burburka, iyo wadajirka iyo nabadgelyadii bulshada.
Taariikhda Guurka ee Xaliimo Yuusuf Maxamed
| No. | Muddada | Faahfaahinta |
| 1 | 1995-1996 | Xaliimo waxay guursatay nin, kaasoo ay u dhashay laba gabdhood. |
| 2 | 1999-2009 | Xaliimo waxay guursatay Siciid Cumar Guulwade, kaasoo ay u dhashay afar gabdhood. |
| 3 | 2006-2010 | Xaliimo waxay guursatay Liibaan Tahliil. Guurkoodu wuxuu ku dhammaaday furiin bishii Luulyo 2010, iyadoo leh uur |
| 4 | Oktoobar 2010 | Xaliimo waxay guursatay Farah Awil. |
| 5 | 2011 | Xaliimo waxay dhashay wiil. Nasabka wiilkaas ayaa ah udubdhexaadka muranka u dhexeeya Farah Awil iyo Liibaan Tahliil. |
| 6 | 2017-2026 | Xaliimo waxay guursatay nin kale, kaasoo ay u dhashay hal gabadh. Ninkaan danbe wuxuu sheegay in liiban la soo hadlay 2019 si wiilkiisa loo gudo. |
Qoraa Cabdulqaadir Cusmaan Maxamuud (Oromo), ayaa mar hore yiri murtida ama odhaahda dhaqameed ee ah ‘Toddobada Bilane Belo Huris’ oo ula jeeday in soomaalidu isku dagaallaan toddoba (7) sababood midkood taas oo ah; – Gabdhaha (Dumar), Geela, Gammaanka (Fardaha), Beeraha, Biyaha, Baadka (Daaqa) iyo Khilaafka dariiqooyinka diinta (Khilaaf Diini ah). Haddaan si dhow u eegno dhacdadan, waxay galaafatay naf iyo maal soo noqnoqday.[2]
Ciddada Haweenaydu Tirsanayso iyo Sida ay Kiiska Xaliimo Yuusuf uga Duwanaatay
Xaliimo Yuusuf waxay maxkamadda horteeda ka caddaysay in aanay waligeed helin xukunka caadada ee haweenka, taas oo ka dhigan in aysan nolosheeda oo dhan helin dhiigga caadada ee dumarka (الحيض). Sida uu qabo fiqhiga Islaamka, haweenayda la furay ee caadada hesha waxay ciddadeedu guud ahaan ku dhammaanaysaa saddex qur’ (ثلاثة قروء).
Hase yeeshee, Haweenkiinna ay caadadu ka joogsatay, haddii aad ka shakidaan (muddada ciddadooda), ciddadoodu waa saddex bilood; sidoo kale haweenka aan weligood caado helin (ciddadoodu waa saddex bilood). Haweenka uurka lehna muddadoodu waa ilaa ay ka umulayaan. Qofkii Alle ka cabsadana wuxuu u fududeeyaa arrimihiisa. Sida ku cad Aayadda 4aad ee Suurat At-Talaaq
وَاللَّائِي يَئِسْنَ مِنَ الْمَحِيضِ مِن نِّسَائِكُمْ إِنِ ارْتَبْتُمْ فَعِدَّتُهُنَّ ثَلَاثَةُ أَشْهُرٍ وَاللَّائِي لَمْ يَحِضْنَ ۚ وَأُولَاتُ الْأَحْمَالِ أَجَلُهُنَّ أَن يَضَعْنَحَمْلَهُنَّ ۚ وَمَن يَتَّقِ اللَّهَ يَجْعَل لَّهُ مِنْ أَمْرِهِ يُسْرًا
Fadhiga Dhegaysiga Dacwadda iyo Xukunkii Garsoorayaasha
20/10/2026, Guddiga Islaamiga ah ee Ku-meelgaarka, oo ka koobnaa saddex garsoore, oo kala ahaa: Sheekh Axmed Daahir Xasan (Guddoomiye), Sheekh Xasan Maxamed Muuse iyo Sheekh Mahad Cabdillaahi Nuur Maxamed, ayaa, kaddib markii uu muddo laba maalmood ah dhegaystay doodaha labada qareen iyo markhaatiyaal kor u dhaafaya 17 xubnood ay labada dhinac soo bandhigeen, soo xirtay fadhigoodii dhegaysiga dacwadda.
Aragtida Culimada
Culimada markay dhageesteen dacwadda iyo jawaabta labada daraf
Markay dhageesteen markhaatiyadii ee la horkeenay
Markay dhageeteen shuhuudii labada daraf ee 4ta-ahaa iyo mid walba caddeyntiisa waxaa u caddaatay maxkamadda in liibaan tahliil uu guursaday xaliimo yusuf 2006 sida markhaatiyada la dhaariyey u caddeeyeen, xaliimo yusufna ku waafaqday dhaar ka dib, meherkeediina uu ka dhacay Hotel Samatar.
Waxaa kale oo la caddeeyay inuu liibaan furay xaliimo bishii 7aad ee 2010, laakiin Liibaan ma keenin markhaati xilligii uu furay, ama dukumenti caddeynaya furiinkaas dhacay. Wuxuu kaloo u sheegay maxkamadda in ay xaliimo u sheegatay muddo ka dib in ay u leedahay uur.
Culimada waxaa u caddaatay in Farah Awil uu Xalimo guursaday taariikhdu markay ahayd 10/11/2009, sida ay markhaatiyaashii arrintaas ka marag furay. Xalimo waxay ku waafaqday meherka, hase yeeshee waxay ku khilaaftay xilliga furriinka ee uu Farah Awil sheegay in uu ahaa dabayaaqadii sannadkii 2018. Dhankeeda, Xalimo waxay sheegtay in muddada ay is qabeen ay ahayd saddex sano oo keliya.
Labada dhinac, Farah Awil iyo Xalimo, midkoodna ma aysan maxkamadda hor keenin markhaatiyaal caddeeya taariikhda uu furriinku dhacay.
Waxaa culimada u caddaatay in, marka la eego sheegashooyinka labada nin ee ku saabsan guurka, muddada uurka iyo xilliga uu ilmuhu dhashay, ay suuragal tahay in mid kasta oo labada nin ahi uu noqon karo aabbaha ilmaha.
Waxaa culimada la hor keenay laba nin oo markhaatiyaal ah, kuwaas oo kala ahaa Siciid Cumar Jaamac, oo ahaa ninkii Xalimo kaga horreeyey guurka Farah Awil, kaas oo sheegay inuu Xalimo furay sannadkii 2009, iyo Jaamac Cabdiraxmaan, oo ahaa ninkii Xalimo guursaday kaddib Farah Awil. Labadan nin waxaa loo keenay in mid kasta uu markhaati uga noqdo sheegashada dhinaca kale.
Hase yeeshee, waxaa culimada u caddaatay in labada nin midkoodna aanu sheeganayn in wiilka uu dhalay, sidaas darteedna aanay jirin sheegasho aabbanimo oo ay wiilka ku leeyihiin Siciid Cumar Jaamac iyo Jaamac Cabdiraxmaan. Haddii uu nikaaxoodii uu faasid yahay ama saxiix yahay, nasab ku waa uu ku sugmayaa. fiiri
القاعدة الفقهية
الزواج الفاسد كالزواج الصحيح في إثبات النسب لأن النسب يُحتاط
Culumada waxaa u caddaatay ka dib gareenka Farah oo 16 qof oo markhaati ah keenay in wiilkaas yahay معروف النسب oo uusan ahayn مجهول النسب. Loona yiqiinay Maxamed Farah Awil, waxaa culumada u caddaatay in; –
معروف النسب
مشهور النسب
مشاع النسب
مستفيض النسب
In erayadaas ay yihiin durugta nasabka lagu sugo, oo ah in qofka uu nasab sheegto ama qabiilo deegaanka kala noola nah ay sidaas u yaqaanaan iyadoo cid qilaafsan ama ku heesate aysan jirin, wagtigana uusan sheyn waqti xadidan aheyn, dadkana ahayn dad tiro lagu koobi karo lagana aamin yahay in been iska raacaan ama caqligu mustaxiil ka dhigayo in ay been iska raacaan. Sidaas darteed culumadu waxaan u caddaatay مشاع lagu doodday iyo markhaatiyadeedu aysan shuruudihii nasabka wada buuxin.Fiiri
Mabda’a Fiqhiga Islaamka ee loo yaqaan Istifaadada (الاستفاضة)
مصطفى سعيد الخن، ومصطفى ديب البغا، وعلي الشربجي، الفقه المنهجي على مذهب الإمام الشافعي، الجزء الرابع، (دمشق: دار القلم، 1413هـ/1992م)، ص 217
الاستفاضة: وصورة الاستفاضة: أن ينتسب الشخص إلى رجل، أو قبيلة، والناس في تلك البلدة ينسبونه إلى ذلك الشخص، أو تلك القبيلة، دون وجود مخالف، ودون أن يُحدّ ذلك في فترة قصيرة من الزمن.
فهذه الاستفاضة تنزل منزلة الشهادة الصحيحة، وتعتبر دليلاً شرعياً على صحة الأمر.
بشرط أن يكون الناس ـ الذين استفاض عنهم وبينهم ذلك ـ قد بلغوا من الكثرة مبلغاً، يحيل العقل اتفاقهم على الكذب.
‘‘Caan-baxa nasabka ama sugidda Nasabka iyadoo lagu salaynayo aqoonsiga Bulshada الاستفاضة waa marka dad magaalo isku mid ah ay joogaan una nasabaan qof nin ama qabiil gaar ah, iyadoo aan cid khilaafsan jirin oo aan muddo gaaban lagu koobin.
Sidaas darteed, aqoonsigan ballaaran ee bulshada wuxuu yeelanayaa awood la mid ah markhaati sharci ah, waxaana loo aqoonsanayaa caddayn sharci ah oo lagu xaqiijin karo saxnaanta arrinta.
Shuruuddu waa in dadka warkaas laga soo weriyey ay tiro ahaan gaaraan heer ay caqli ahaan suuragal ahayn inay been isku raaceen’’
Markhaatiyada la soo bandhigay qaarkood waxay ahaayeen dadkii dacwadda isku hayey, halka qaar kalena ay ku salaynayeen hadalkooda xog ay ka maqleen dhinacyada dacwadda, sida Farah Awil oo sheegay arrimo gaar ah iyo Xalimo oo iyaduna sheegtay arrimo kale. Sidaas darteed, hadallada dhinacyada is haya iyo xogta ay midba midka kale ka sheegayaan looma qaadan karo xujo sharciyeed oo keligeed lagu caddayn karo in wiilku yahay mid caan ku ah nasabkiisa (مشهور النسب).
Sidaa awgeed, maxkamaddu waxay xukunkeeda ku saabsan sugidda nasabka wiilka ku salaysay markhaatiyadii ay keentay dhinaca Liiban Tahliil, kuwaas oo kala ahaa: Awal Salaad Farah, oo 46 jir ah, kuna dhashay Kalkio, iyo Cabdiraxmaan Cali Maxamed, oo 45 jir ah, kuna dhashay Kalkio. Labada markhaati waxay ka marag fureen in Liiban Tahliil uu guursaday Xalimo, taas oo caddaynaysa in Liiban uu Xalimo guursaday ka hor Farah Awil. Maxkamaddu waxay markhaatiyadaas ku xoojisay dhaarta Liiban Tahliil, taas oo uu ku dhaartay inuu Xalimo guursaday 10/07/2006, isla markaana uu furay bishii Luulyo ee sannadkii 2010.
Sidoo kale, Xaliimo Yuusuf waxay caddeysay in wiilka uu dhalay Liiban Tahliil, uuna ahayn wiil uu dhalay Farah Awil. Waxay sheegtay in arrintaas ay Liiban u sheegtay kaddib markii uu furay, iyadoo maxkamaddu sheegashadeeda ku xoojisay dhaar.
Ka dib markii wiilka lagu wareystay, habka fogaan araga ah, maxkamada horteeda asagoo qaankaar ah, oo caaqil ah, caafimaad qaba, sheegtaynah in uu jiro 16 sano, ka caddeey markii ay maxkamadu waydiisay nasabkiisa in uu yahay Maxamed Liiban tahliil, uusan ahayn Mahamed Farah Awil, dhaar ka dib. wiilka waxaa u suqnaatay nasabadiisa in uu yahay Mohamed Liiban tahlil, waxaana anfoobay sheegashadii Farah Awil uu sheegtay wiilka. Sidaas ayey qabaan jamhuurul madaahib, fiiri
| المذهب | اسم الكتاب | الجزء / الصفحة |
| الشافعية | العزيز شرح الوجيز للرافعي | الجزء 11، الصفحة 186 |
| الشافعية | روضة الطالبين للنووي | الجزء 4، الصفحة 414 |
| الحنابلة | المبدع في شرح المقنع لابن مفلح | الجزء 8، الصفحة 372 |
| الحنفية | تبيين الحقائق شرح كنز الدقائق للزيلعي | الجزء 5، الصفحة 27 |
Dhaarta wiilka qaangaarka ah markii uu dafiray sheegashada in uusan dhalin Faarah awil waxaa u daliil ah. fiiri
| المذهب | اسم الكتاب | الجزء / الصفحة |
| الشافعية | فتح العزيز للرافعي، الباب الرابع: في الإقرار بالنسب | الجزء 5، الصفحة 352 |
Go’aan Maxkamadeed
Sidaas darteed, markii ay culimadu qiimeeyeen dhammaan hadalladii labada dhinac, markhaatiyadii la hor keenay iyo duruufihii kiiska, isla markaana ay dhegaysteen hadalka wiilka oo si cad u sheegay in uu yahay Maxamed Liibaan Tahliil, uuna diiday sheegashada Farah Awil ee ahayd in uu dhalay, waxay tixgeliyeen qirashada wiilka iyo dhaarta uu ku xaqiijiyey hadalkiisa. Iyadoo arrintaas lagu salaynayo mabaadi’da fiqhiga Islaamka ee la xiriira sugidda nasabka (الإقرار بالنسب والاستلحاق), culimadu waxay go’aamiyeen in nasabka wiilka lagu sugo Liibaan Tahliil, isla markaana aan la aqbalin sheegashada Farah Awil ee aabbanimadiisa.
GABAGABO
Kiiskani wuxuu muujinayaa baahida degdegga ah ee loo qabo in Soomaaliya laga hirgeliyo hannaan maamul oo mideysan oo lagu diiwaangeliyo guurka, dhalashada iyo dhimashada, si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta loona yareeyo murannada ka dhasha caddayn la’aanta xaaladda qoyska iyo nasabka waxaan lagama maarmaan ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyadu si wadajir ah u xoojiyaan diiwaangelinta madaniga ah.
Waxa kale oo uu kiiskani muujinayaa caqabadaha haysta nidaamka garsoorka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, maadaama ay lagama maarmaan noqotay in la magacaabo guddi culimo oo ku-meel-gaar ah.
Arrintani waxay dhalinaysaa su’aalo ku saabsan awoodda maxkamadaha caadiga ah ee wax ka qabashada murannada qoyska iyo nasabka, waxayna muujinaysaa baahida loo qabo xoojinta awooddooda iyo kordhinta qoondada miisaaniyadeed ee loo qoondeeyo garsoorka.
Tusaale ahaan, qabyo-qoraalka miisaaniyadda 2026/2027, Golaha Garsoorka iyo Maxkamadda Sare ee Puntland waxaa loo qoondeeyey 106,868 oo doollar oo keliya, taas oo muujinaysa muhiimadda ay leedahay in dib loo qiimeeyo ku filnaanshaha maaliyadeed marka loo eego baahiyaha hawlgalka iyo masuuliyadaha hay’adaha garsoorka.
[1] Fiiri tixraacaan
مصطفى الخِن ومصطفى البُغا وعلي الشربجي، الفقه المنهجي على مذهب الإمام الشافعي، ج4، (دمشق: دار القلم، [سنة النشر])، ص55
[2] Cabdulqaadir Cusmaan Maxamuud (Oromo), ‘Sooyaalka Soomaaliya: Dhaqankii Dhulkii Hooyo’ (2005), Revised Edition
About the Author
Avv. Omar Khalif Abdi, advocate, Policy Strategy and Compliance officer.
Email. adv.omarkhabdi@gmail.com.

No comment