Tan koowaad: Doodda waxaa si rasmi ah u codsatay Kooxda A3 Plus ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. A3 Plus waa isbahaysi ka kooban saddex dal oo Afrikaan ah oo xubin ka ah Golaha Ammaanka, kuwaas oo ay weheliyaan dalal kale oo Afrikaan ah (Plus), sida Jabuuti, Koonfur Afrika, iyo Masar. Kooxdani waxay si wadajir ah u dalbadeen in arrinta la hor keeno Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyagoo ku saleeyay labo arrimmod:
- Ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya
- Mabda’a Axdiga Qaramada Midoobay iyo mowqifka Midowga Afrika
Go’aanka Soomaaliya ee ah in ay arrinta Israa’iil–Somaliland u gudbiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay intii lagu jiray kulankii 10084-aad, oo ajandihiisu ahaa “Khatarta ku wajahan nabadda iyo amniga caalamiga ah” (briefing), wuxuu muujinayey sida Golaha Ammaanka mararka qaarkood loogu adeegsado sidii maxkamad go’aan gaareesa, balse madal diblomaasiyadeed oo lagu muujiyo mowqif sharciga ah, lagu diiwaangeliyo diidmo rasmi ah, laguna abuuro cadaadis diblomaasiyadeed gaar ahaan marka aanay jirin cod-bixin suurtagal ah ama mid istaraatiiji ahaan ku habboon.
Kulanku wuxuu dhacay Tariikhda ahaan 29 Diseembar 2025, xilli ay Slovenia hayaysay hoggaanka Golaha Ammaanka, kaas oo ahaa warbixin iyo dood furan (briefing/open debate), mana ahayn kulan go’aan lagu gaarayo ama qaraar.
Tan Labaad: Dhammaan Kulamada Golaha Ammaanka Ma Keenaan Cod-bixin
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ma aha hay’ad mar kasta go’aan cod ah gaarta. Sida ku cad hab-raacyadiisa shaqo, kulamada Golaha Ammaanka waxay u kala baxaan laba nooc oo sharci iyo hawl ahaan kala duwan, mid walbana leh ujeeddo iyo natiijo gaar ah.
(A) Doodo / Warbixinno (Debates / Briefings- Xeerarka Ku-Meel-Gaarka ah ee Hab-raaca Shaqada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (S/96/Rev.7, 1982))
Kulamadan waxaa loogu talagalay in arrin laga doodo, laguna dhageysto warbixinno iyo hadallo ka imanaya dalalka xubnaha ka ah. Ujeeddadu waa muujinta mowqifyada siyaasadeed iyo kuwa sharci, iyo sidoo kale dirista farriimo diblomaasiyadeed oo cad.
Natiijo ahaan, kulamadan ma laha cod-bixin, mana lagu ansixiyo wax qaraar ama go’aan rasmi ah. Marka dooddu dhammaato, kulanka si fudud ayaa loo soo gabagabeeyaa, iyada oo la diiwaangelinayo hadallada la jeediyay.
(B) Kulamada Go’aan-qaadashada
Waa kuwo Golaha Ammaanka u fariisto si uu u qaato go’aan rasmi ah, sida ansixinta qaraar, bayaan madaxweyne, ama go’aan kale oo sharciyeed. Kulanka noocaan oo kale wuxuu ku dhisan yahay habraac cod-bixin, halkaas oo dalalka xubnaha ahi si rasmi ah codkooda u dhiibtaan.
Natiijadu waa go’aan sharciyeed oo Golaha Ammaanka ka soo baxa, kaas oo leh saameyn siyaasadeed iyo mid sharci oo caalami ah (Resolution).
Tan Saddexaad: Maxay Tahay Sababta Soomaaliya ama Dalalka Kale u Diyaarin Waayeen Qaraar
Go’aanka ah in aan qaraar la keenin ma ahayn mid ka dhashay tabar-darro ama cabsi, balse wuxuu ahaa tallaabo diblomaasiyadeed oo si xeel dheer loo xisaabiyay. Soomaaliya iyo dalalka Afrikaan ah waxay si miyir leh u doorteen in ay marka hore qiimeeyaan saameynta sharci iyo mid siyaasadeed ee ka dhalan karta qaraar la hor keeno Golaha Ammaanka.
Arrimaha ugu waaweyn ee la tixgeliyay waxaa ka mid ahaa khataraha iman kara haddii qaraar la keeno. Qaraar kasta oo Golaha Ammaanka la hor keeno waxaa si sahlan u diidi kara xubin joogto ah iyadoo la adeegsanayo awoodda veto, taas oo si degdeg ah u burin karta dadaal kasta oo diblomaasiyadeed (A failed vote is worse than no vote). Sidoo kale, haddii qaraarku uusan helin codad ku filan, waxaa si siyaasadeed loo fasiran karaa in Golaha Ammaanku uusan taageerin mowqifka Soomaaliya, taas oo dhaawac gaarsiin karta doorkeeda iyo mowqifkeeda caalamiga ah.
Sidaas darteed, ka baaqsiga keenista qaraar wuxuu ahaa xulasho istaraatiiji ah oo looga gol lahaa in la ilaaliyo mowqifka Soomaaliya, lagana fogaado natiijo sharci iyo mid siyaasadeed oo ka khatar badan faa’iidada la filayay.
Si kastaba ha ahaatee, marka dhinaca taban laga eego, waxaa la oran karaa in Soomaaliya ay lahayd fursad aan si buuxda loo adeegsan. Inkastoo ay tahay xubin aan joogto ahayn oo Golaha Ammaanka ka tirsan ilaa 2026, haddana waxay awood u lahayd inay ka codsato saaxiibadeeda xubnaha joogtada ah in ay qaraar soo gudbiyaan sida Shiinaha, Ruushka, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Faransiiska kuwaas oo dhammaantood taageeray mabda’a ah One Somalia Policy. In tallaabadaas aan la qaadin waxay abuuri kartaa aragti ah in cadaadis diblomaasiyadeed oo dheeri ah la qaadin, isla markaana fursad sharci oo lagu adkeyn lahaa mowqifka Soomaaliya aan si buuxda loo tijaabin.
Tan Afaraad: Maxay Tahay Sababta ay Jabuuti, Masar, iyo Koonfur Afrika uga Hadleen kulanka QM
Inkasta oo ay Jabuuti, Masar, iyo Koonfur Afrika ama dalal badan oo kale sida Turkey aysan ahayn xubno ka tirsan Golaha Ammaanka waqtigaan, haddana waxaa si sharci ah loogu casuumay ka-qaybgalka doodda. Casuumaaddan waxay ku salaysnatahay Axdiga Qaramada Midoobay, gaar ahaan Qodobka 31-aad kaas oo dhigaya
Xubin kasta oo ka tirsan Qaramada Midoobay, haddii daniheeda si gaar ah u saameeyaan arrin Golaha Ammaanka looga doodayo, wuxuu xaq u leeyahay inuu ka-qaybgalo doodda, inkastoo uusan lahayn cod.
Sidoo kale, Israa’iil kama mid aha dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, hase yeeshee dooddeedu waxay si toos ah ula xiriirtay mowqif iyo tallaabo ay qaadday. Sidaas awgeed, waxaa loo arkay dhinac muhiim u ah doodda, waxaana loo oggolaaday inay ka hor caddeyso mowqifkeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Tan-Shanaad: Dalalka iyo Ururadda Caalamiga ah ee taageeray Soomaaliya
Kulanka waxaa ka hadlay 20 dal, oo ay ku jirto Israa’iil; hase yeeshee, 19 ka mid ah dalalkaas waxay si cad u muujiyeen taageerada mowqifka Soomaaliya iyo mabda’a midnimadeeda dhuleed waxaa ka mid ahaa wadamadaas Somalia, Algeria, Sierra Leone, United Kingdom, United States of America, Republic of Korea, Denmark, Greece, China, Pakistan, Russian Federation, France, Slovenia, Turkey, Djibouti, Egypt, Kuwait, South Africa, Guyana. Halka Ururadda Caalamiga ah ay ahayeen Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Arab Groups.

No comment