ARAR
Xilligii gumeysiga, tababarka hawl-qabadka sharciyeed wuxuu ahaa mid aan ahmiyad la siinin. Ingiriiska iyo Talyaanigu waxay ku dhaqeen Soomaaliya nidaamyadooda sharciyeed, iyadoo hannaanka waxbarasho sharciyeed, qaanuunka garsoor, iyo shuruucda la xiriirta mihnadda sharciyeed, iyo weliba xeer-nidaaminta Qareenno, ay ku saleynaayeen nidaamka gumeystaha.
Horumarinta nidaamka waxbarashada sharciyeed ee JFS waxay bilaabatay muddadii uu jiray maamulkii daakhiliyada (Wasaayada). Machadka Jaamacadda Muqdisho waxaa la unkay 1956kii si uu u bixiyo waxbarasho sare ee sharci iyo dhaqaale muddo labo sano ah. Maaddooyinka sharciyeed ee lagu baranayey machadka waxay ka koobnaayeen dhammaan qeybaha shuruucda ee asaasiga ah oo ay ku jiraan shuruucda guud (public) iyo kuwa gaarka ah (private).
Ardayda ku dhaqan Gobolada Koonfureed ee dalka, Ka dib marka ay dhammeystaan waxbarashadooda, waxay aadi jireen jaamacadaha Talyaaniga si ay u dhammeystirtaan shahaadooyinkooda jaamacadeed (Law Degrees). Halka Gobollada waqooyi ee dalka Ingiriisku
gumeysanayey aysan lahayn machad bixiya waxbarasho sare. Sidaas awgeed, arday badan oo ka timid gobolada waqooyiga ayaa u kicitimay dalal shisheeye si ay ugu soo qaataan waxbarasho sare, sida sharciga iyo dhaqaalaha.
Muddadii ka dambaysay qaadashada xuriyada, xirfadleyaasha sharciyeed waxay uqeybsanaayeen saddex kooxood: doodeyaal, qareenno iyo kuwa ka shaqeeya Arrimaha shareecada Islaamka sida ku tilmaaman axkaamta Sharci Lr.21 ee Juun 27, 1958.
Read more…
No comment