๐๐ผ๐ฟ๐ฑ๐ต๐ฎ๐ฐ
Maqnaanshaha dacwad-oogaha ee maxkamadda wuxuu si weyn u saameyn karaa horumarka iyo si la mid ah natiijo laโaanta dacwaddaha. Dacwad-ooguhu wuxuu door muhiim ah ku leeyahay soo bandhigista caddeymaha iyo ku oogidda dacwadaha ciqaabta ah. Qodobka 12(4) ee Xeerka Habka Ciqaabta ee 1973, wuxuu xusay in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud uu sharci ahaan mar kasta oo dacwad socoto awood u leeyahay inuu la wareego baaritaanka ama dacwadda kiis kasta.
Qodobka 8aad ee Nidaamka Garsoorka wuxuu isna dhigayaa in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud lagu waajibiyey inuu bilaabo ama abuuro (Initiate), hoggaamiyo ama ka qeybqaato (Conduct), iyo in uu kormeero (Oversee) dhammaan dacwadaha ciqaabta ee ka socda maxkamadaha. Doorkan ma aha door ikhtiyaari ah, balse waa waajib sharci ah oo si cad ugu xusan sharciga.
Si kasta uu xeer ilaaliyaha u yahay xeel dheere sare oo faqiih ah balse ma ahan hab-dhaqanka ugu wanaagsan (best practice) waa in ay ugu yaraan ay ka qeyb qaataan 2 dacwad-ooge si loo daboolo baaxadda ama culayska dacwadda iyo caddeymaha fara badan oo ka imanaya markhaatiyada. Halka waddamo qeybtood ayba soo kireystaan Private prosecutors. Si shaqo hufnan ah loo qabto.
No comment