Hordhac
Dawladnimada casriga ah waxaa lagu qeexaa in ay tahay, “Nidaam siyaasadeed iyo maamul oo lagu garto jiritaanka dastuur, ku dhaqanka sharciga, kala saaridda awoodaha, hay’ado matalaad leh, adeegyo maamul oo xirfad leh (bureaucracy), iyo habab lagu ilaaliyo xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah, iyada oo lagu shaqeynayo qaab dawlad qaran oo leh madax-bannaani iyo sharciyad.” (Weber, M. Economy and Society: An Outline of Interpretive Sociology. University of California Press, 1978.)
Marka si fudud loo dhigo, dawladnimada casriga ah waxay ka duwan tahay nidaam dhaqameedyadii hore sida boqortooyooyinkii, Suldanooyinkii iyo Nidaam qabiil ku dhisan (Tribal Rule).
Soomaaliya se weli waxaa isku dhafan nidaamka dawliga ah iyo xeer-dhaqameedka, sida aan ku soo qaadan doonno tusaalooyin dhab ah.
Bishii la soo dhaafay ee Sebtembar 2025, saddex dhacdo oo ka dhacay Soomaaliya ayaa si cad u muujiyey in weli ay jirto isku xirnaan ka dhexeeya nidaamka dawladnimada casriga ah ee Soomaaliya iyo xeer-dhaqameedka iyo caadooyinka Soomaaliyeed. Labada dhacdo ee hore waxay ka dhaceen Muqdisho, halka dhacdada saddexaadna ay ka dhacday Garoowe, maalintii ugu dambaysay ee bishii la soo dhaafay.
Dhacdada koowaad waxay ahayd in qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ay is hortaag ku sameeyeen bannaanbax ay iclaamiyeen mucaaradka. Ujeeddada bannaanbaxu waxay ahayd in lagu cabbiro dhulalka dowladda ay qorsheyneyso inay ka saarto qayb ka mid ah shacabka Muqdisho ee ku nool dhulalka dowladda. Saxaafadda ayaa sidoo kale soo bandhigtay dad kale oo ka cabanaya in dhulkoodii gaarka ahaa lagu fidinayo dhulkii dawladda.
In kasta oo bannaanbaxu yahay xuquuq dastuuri ah isla markaana uu waafaqsan yahay xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, haddana odayaasha dhaqanka ayaa muujiyey in ay ka xun yihiin haddii mucaaradku uusan tixgelin talooyinkooda ku saabsan sidii looga hortagi lahaa bannaanbaxa, iyagoo xitaa dhigay cimaamadooda si ay u muujiyaan culayska iyo miisaanka taladooda. Mudaharaadku waxay qorsheeyeen in la qabto banaanbaxyada 27/9/2025, balse ilaa iyo hadda ma qabsoomin, inkastoo mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka ay isku afgarteen 9 Oktoobar 2025. Taasi haddana u baaqatay markii saddexaad shalay, arrimo amni awgeed, kaddib weerar lagu ekeeyay xarunta NISA ee jidka Jilicow oo u dhow xafiiska iyo hoyga madaxweynaha Soomaaliya.
Dastuurka Federaalka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya (2012), Qodobka 20aad Xuquuqahaas wuxuu leeyahay ‘Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu si xor ah isu abaabulo, isu-soo-baxo, ama bannaanbax ku muujiyo ra’yigiisa. Halka Markii la soo kobo shuruucda Caalamiga ah oo ay Soomaaliya qeybta ay ka tahay sida; UDHR (Q.20), ICCPR (Q.21), African Charter (Q.11), iyo CRC (Q.15) dhammaantood waxay xaqiijinayaan bannaanbax nabadeed iyo isu-soo-baxyada.
Si kastaba ha ahaatee, , su’aalaha xiisaha leh ayaa ah
- Maxay ka dhigan tahay in odayaasha dhaqanka ay ku lug yeeshaan go’aannada ku saabsan bannaanbaxyada siyaasadeed iyo habka dawliga ah ee Soomaaliya?
- Sidee buu xeer-dhaqameedku ula jaanqaadi karaa xuquuqaha dastuuri ee muwaadiniinta, sida xorriyadda bannaanbaxa?
- Ma la odhan karaa dhaqanku wuxuu kaalin ku leeyahay dejinta xiisadaha siyaasadeed, mise wuxuu dib u dhigaa horumarka nidaamka dastuuri ah?
- Maxaa ka iman kara haddii bulshada rayidka ahi ay si buuxda ugu adkaystaan xuquuqdooda, halka dhaqanku doonayo wada-xaajood iyo talo odaynimo?
Dhacdadii labaad waxay ahayd mid ku saabsan oday Xaaji Axmed Siicoow oo ka mid ahaa dadkii ka gadooday dhul ay dowladda la wareegtay, balse ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa jirdil u geystay. Ugu dambayn, qayb ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa ku xalliyey arrintaas qaab dhaqameed, iyagoo u dhigay sidii qalad ka dhacay laba beelood, islamarkaana ku dhammeeyey raalli-gelin dhaqameed. Oday Axmed waxaa jirdilay askar ka tirsan Booliska Soomaaliya, sida ay xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada sheegeen. Arrintaas oo ilaa hadda aan cidna maxkamadda loo soo taagin, ku dhawaad 20 maalmood oo ka soo wareegtay dhacdadaas. Haddaba, su’aashu waxay tahay: ma laba beelood ayaa arrintu u dhaxaysay mise khilaaf ayaa jiray u dhexeeya dowladda iyo shacabka ku noolaa Siinaay?
Oday Axmed wuxuu garawshiyo iyo magdhow ka helay odayaasha beelaha ay ciidamadaasi kasoo jeedeen. Si kastaba ha ahaatee, habkan xalinta kuma habboonayn nidaamka dawliga ah ee rasmiga ah, kaas oo si cad u kala saaraya dhaqanka iyo dawladnimada casriga ah. Nidaamka dawladnimada casriga ah waxaa ka mid ah in hay’adaha sharci-dejinta dajiyaan shuruucda halka maxkamadaha fasiraan shuruucdaas, Chapter-ka labaad ee Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah ee 2012 wuxuu dhammaantiis ka hadlayaa xuquuqaha aasaasiga ah, isla markaana si cad u sheegay in aan marnaba la aqbali karin jirdil (non-derogable rights).
Hadda ogow in ciidamada iyo boolisku ay leeyihiin xeerar iyo shuruuc u gaar ah, oo ka duwan kan rayidka iyo maxkamado anshaxeed (Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida) oo qaada dacwadaha Ciidanka isla markaana fuliya xukunnada ay soo saaraan, si waafaqsan Xeerka Ciidamada iyo Hab raacooda.
Dhacdadii saddexaadna waxay ku saabsanayd shir ay odayaasha dhaqanka ku yeesheen magaalada Garoowe, muddo sagaal (9) maalmood ahna socday, kaas oo ay ku soo saareen go’aamo ay ka mid ahaayeen in qofkii qof dila isna la dilo. Qodobkan, mabda’ ahaan, hore ayuu ugu qornaa shuruucda dalka sida ku cad Qodobka 434 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee 1962 (Dilka ula kac ah) iyo sidoo kale Shareecadda Islaamka oo ka horraysay xeerka ciqaabta ku dhowaad 1,400 sano ka hor.
Sidoo kale, waxaa la soo saaray go’aamo kale oo ku saabsan dhulalka (taas oo iyana ku cad xeerarka dhulka ee soo baxay intii u dhaxeysay 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii), iyo arrimo hore sharci ahaan ugu qoran xeerarka u yaalla Puntland iyo guud ahaan dalka.
Meesha xiisaha badan waxay tahay in, sida uu dhigayo Qodobka 108(6) ee Dastuurka Puntland, marka hoggaamiye dhaqameed gaaraan go’aan ku saabsan xallinta khilaafaadka beelaha dhexdooda, go’aankaasi waa in laga diiwaangeliyo Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada ay dhibaatadu ka dhacday, iyadoo maxkamadduna ay waajib ku tahay inay la socoto fulinta go’aankaas. Arrintani waxay muujinaysaa isku-dhafka awoodda dhaqameed iyo nidaamka garsoorka casriga ah, inkastoo mararka qaarkood ay jiraan khilaafyo iyo isqabqabsi u dhexeeya labada dhinac.
Dastuurka Puntland wuxuu si gaar ah door iyo kaalmo rasmi ah u siiyay dhaqanka iyo odayaasha dhaqameedka, taas oo muujinaysa in dhaqanka lagu daray qaab-dhismeedka hay’adaha dawladnimada.
Si kastaba ha ahaatee, Puntland waxay leedahay 66 xildhibaan, kuwaas oo marka lagu daro xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka kooban 329 xildhibaan, wadartu noqoneyso 395 xildhibaan. Mushaarkooda oo keliya ayaa ugu yaraan gaaraya ku dhowaad shan milyan oo doollar bishii, iyadoo shaqadoodu tahay dejinta shuruucda dalka
Sidoo kale, dhinaca garsoorka, miisaaniyadda guud ee la qorsheeyay sannadka 2024 waxay ahayd $5,078,630, taasoo muujinaysa in garsoorka federaalka lagu maamulo qiyaastii nus boqolkiiba miisaaniyadda guud ee dowladda, iyadoo aan lagu darin miisaaniyadaha maamul-goboleedyada kale ee leh miisaaniyad u gaar ah.
Haddaba, su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: sidee ayay u suuragal tahay in odayaasha dhaqanka ay soo dajiyaan xeerar, iyadoo uu weli jiro baarlamaan rasmi ah iyo Maxkamadaha oo dhammantood ah mushahari bil kasta?
Si kastaba ha ahaatee, lacagtaas aad bay u yar tahay, maadaama miisaaniyadda guud ee dalka oo dhan, xitaa haddii Somaliland lagu daro, weli ay ka hooseyso $5 bilyan oo doollar, taas oo ka yar dakhliga hal shirkad oo ku taalla Mareykanka. Arrintani waxay si cad u muujinaysaa in dawladnimada casriga ah ee Soomaaliya ay wajahdo caqabado dhaqaale iyo kuwo dhaqan oo isbarkan.
No comment