Hordhac: Asalka iyo Jadwalka Wax-ka-Beddellada Dastuurka
31-kii Maarso 2024, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh, ayaa saxiixay sharci wax-ka-beddel ku sameynaya Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee 2012. Si kastaba ha ahaatee, maanta oo ku beegan 28 Janaayo 2026, waxaa mar kale loo soo bandhigay Golaha Labada Aqal akhrinta ajendaha Cutubyada 5aad ilaa 9aad, taas oo ay ka soo wareegtay muddadii hore ee wax-ka-beddelka Afarta Cutub qiyaastii 1 sano iyo 9 bilood.
Wax-ka-Beddel Dastuur iyo Dib-u-Habaynta Dastuur: Kala-duwanaansho Sharciyeed (Constitutional Amendment vs Constitutional Revision)
Marka laga hadlayo aragtida sharciga dastuuriga ah, waxaa jira kala duwanaansho u dhexeeya erayada wax-ka-beddelka dastuurka (constitutional amendment) iyo dib-u-habaynta ama dib-u-eegista dastuurka (constitutional revision). Dib-u-habayn dastuur waxay caadi ahaan tilmaantaa isbeddel ballaaran oo asaasi ah oo lagu sameeyo dastuurka oo dhan, halka wax-ka-beddel dastuur inta badan lagu koobo sixidda ama wax-ka-beddelidda qodobo ama cutubyo gaar ah oo dastuurka ka mid ah.
- Hababka Caalamiga ah iyo Doorka Maxkamadaha
Qeexitaannadan iyo kala saariddoodu way kala duwan yihiin marka loo eego dalalka adduunka, waxaana inta badan lagu dejiyey habraacyada dastuuriga ah iyo goโaamada maxkamadaha. Dalal qaar tusaale ahaan Bulgaria, Costa Rica, Nicaragua iyo Spain waxay si cad u kala saaraan wax-ka-beddelka dastuurka iyo dib-u-habaynta (ama dib-u-qorista) dastuurka, iyadoo tan dambe inta badan looga baahan yahay heer oggolaansho ama shuruudo ka adag kuwa lagu ansixiyo wax-ka-beddelka dastuurka, maadaama ay la xiriirto qaadashada ama dejinta dastuur gebi ahaanba cusub.
Kala-soociddani waxay ku salaysan tahay fahamka ah in awoodda wax-ka-beddelidda dastuurku ay u oggolaanayso kaliya in lagu sameeyo hagaajin, wax-ka-beddel ama isbeddel ku dhex jira dastuurka jira, balse aysan ku jirin awoodda lagu beddelayo ama lagu tirtirayo dastuurka laftiisa ama qaab-dhismeedkiisa asalka ah.
Si kastaba ha ahaatee, marka la eego xaaladda Soomaaliya, Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah si cad uma kala saaro wax-ka-beddelka dastuurka iyo dib-u-eegista dastuurka, balse labada eray waxaa loo adeegsadaa si isku macne ah. Tusaale ahaan, Cutubka 15aad ee Dastuurka, oo cinwaankiisu yahay โWax-ka-Beddelidda Dastuurkaโ, wuxuu dejinayaa habraacyada lagu beddelayo Dastuurka, isla markaana wuxuu dhisayaa Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah. Sidoo kale, Qodobka 79aad ee Dastuurka wuxuu caddeynayaa in hindise-sharciyeedku ka koobnaan karo dib-u-eegis, beddelid, iyo soo-jeedin wax-ka-beddel lagu sameeyo Dastuurka, taas oo muujinaysa in Dastuurku u adeegsado fikradaha dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka si is-dhaafsi ah, iyada oo aan la kala saarin heerar ama noocyo gaar ah.
Si kastaba ha ahaatee, marka la eego baaxadda iyo dabeecadda isbeddellada lagu sameynayo Dastuurka Soomaaliya, arrintu waxay u muuqataa mid gaaraysa heer dib-u-habayn dastuur (constitutional revision), taas oo si macno ahaan u dhigan dejinta dastuur cusub, kana dhalanaysa baahi loo qabo afti dadweyne si loo helo sharciyad buuxda. Xaaladdan oo kale, mabdaโa sharciyeed wuxuu oggolaanayaa in isbeddelladaas lagu doodo laguna horyimaado maxkamad ahaan, maadaama ay taabanayaan qaab-dhismeedka asaasiga ah ee nidaamka dastuuriga ah.
- Doorka Maxkamadda Sare iyo Is-Dhexgalka Awoodeed
Arrintan waxaa sii adkaynaya xaqiiqda ah in Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si toos ah uga qayb-qaadatay habraaca wax-ka-beddelka dastuurka. Taariikhdu markay ahayd 30-kii Nofeembar 2024, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa si rasmi ah u shir-guddoomiyey Shir-Wadatashi Garsooreed, kaas oo ajandihiisa ugu weyn uu ahaa ka-fiirsashada wax-ka-beddellada la soo jeediyey ee Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah.
Shirkan waxa kale oo lagu soo bandhigay natiijooyinka wejigii koowaad ee wadatashiyada dastuuriga ah ee laga sameeyey Gobolka Banaadir iyo Dowlad-Goboleedyada Federaalka, marka laga reebo Puntland, Jubbaland, iyo Somaliland. Ka-qaybgalka tooska ah ee Maxkamadda Sare ee habraacan wuxuu dhalin karaa is-dhexgal awoodeed iyo suโaalo la xiriira madaxbannaanida iyo dhexdhexaadnimada garsoorka, gaar ahaan marka isla hayโaddaasi laga filayo inay mustaqbalka goโaamiso sharciyadda wax-ka-beddello ay hore uga qayb-qaadatay.
Kenya waxay u taagan tahay tusaale cad oo si weyn uga duwan xaaladda ka jirta hadda Soomaaliya. Kiiskii la xiriiray Hindisaha Building Bridges Initiative (BBI) intii u dhaxaysay 2021โ2022, Maxkamadda Sare, Maxkamadda Rafcaanka, iyo Maxkamadda Dastuuriga ah ee Kenya ayaa si isku mid ah u buriyey wax-ka-beddello dastuur oo la soo jeediyey, iyagoo ku salaynaya sababo sharciyeed oo dhowr ah.
Ugu horreyn, Maxkamaduhu waxay goโaamiyeen in Madaxweynuhu uusan lahayn awood sharciyeed uu ku bilaabo wax-ka-beddel ku dhisan sida hindise dadweyne (popular initiative) sida ku cad Qodobka 257aad ee Dastuurka Kenya ee 2010 oo ah hab sharci ama dastuur ah oo u oggolaanaya muwaadiniinta, inay si toos ah u soo jeediyaan sharci ama wax-ka-beddel dastuur, badanaa iyaga oo ururinaya saxiixyo tiro goโan ka ah cod-bixiyeyaasha diiwaangashan, ka dibna loo gudbiyo afti dadweyne ama habraaca sharciyeed ee khuseeya.
Marka labaad, habraaca wax-ka-beddelka wuxuu jebiyey mabdaโa qaab-dhismeedka asaasiga ah (basic structure doctrine), kaas oo ilaalinaya tiirarka udub-dhexaadka u ah Dastuurka sida kala-soocidda awoodaha iyo madaxbannaanida Golaha shacabka kana ilaalinaya in lagu beddelo habraacyo caadi ah oo wax-ka-beddel ah. Sidoo kale, maxkamaduhu waxay goโaamiyeen in ka-qaybgalka dadweynaha aanan la siin waqti ku filan.
Garsoorka Kenya wuxuu si cad uga istaagay geeddi-socodka siyaasadeed, isagoo fuliyey kormeer sharciyeed oo adag. Goโaannada maxkamaduhu waxay si xooggan u adkeeyeen in wax-ka-beddel kasta oo dastuur ahi uu noqdo mid shacabka ka yimaada, hufan, isla markaana si buuxda ugu hoggaansan habraacyada sharciga.

No comment