International certificate of vaccination 30° isometric


Nidaamka casriga ah ee dawladaha maanta ka jira dunida waxa uu ku dhisan yahay sharciyo cad iyo hay’ado awood u leh fulinta iyo ilaalinta sharciyadaas. Soomaaliya se waxa ay weli la daalaa-dhacaysaa caqabado la xiriira labadan arrimood iyo kuwo kale oo weheliya.

Waxaa marar badan la arkaa Wasaaradaha dawladda Soomaaliya oo soo rogaya canshuuro ama kharashaad aan si cad ugu dhisnayn sharci rasmi ah ama aan ku salaysnayn awoodda dhaqaale ee ay leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Tusaale ahaan, shalay oo aheyd 10/Feb/2026 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa tagay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho si uu u joojiyo lacag laga qaadi lahaa rakaabka ka dhoofaya garoonka, taas oo ay soo rogtay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Lacagtaas, oo ahayd $30 ee “Yellow Card”.

Sidoo kale, sannadkii 2025, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya waxay soo rogtay kharash dhan $10 oo laga qaadayo qof kasta oo ka dhoofaya Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Hadda waxaa taagan waajibaad kale oo maaliyadeed oo ay soo rogeen Saddex Wasaaradood, Maxkamadda Sare iyo Ururka Qareennada Soomaaliyeed, kuwaas oo kharashaad ka qaadaya qareennada Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Cadaaladda ayaa sannadkii 2023 soo saaray kharashaad laga doonayo qareennada, kuwaas oo kala ah USD 150 oo sannadle ah iyo USD 300 oo la bixinayo marka qareenku qaadanayo shahaadada qareennimo.

Sannadkan 2026, Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, soo saartay xeer-nidaamiye dowladeed oo faraya qareennada leh shirkadaha inay bixiyaan USD 300 oo sannadle ah marka la cusboonaysiinayo diiwaangelintooda.

Intaa waxaa dheer, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ku waajibisay shirkadaha bixiya adeegyada sharciyeed ruqsad sannadle ah oo dhan USD 300, iyadoo ku salaynaysa Sharciga Shirkadaha Lr. 18 ee 26 Diseembar 2019.

Gabagabo

Arrimahan kor ku xusan waxay muujinayaan baahida degdegga ah ee loo qabo nidaam sharci oo hufan, isku-dhafan, kana turjumaya awoodda dhaqaale ee muwaadiniinta. Marka hay’adaha dowladdu si isdaba-joog ah u soo rogaan kharashaad kala duwan, iyada oo aan la helin is-waafajin sharci iyo qiimayn dhaqaale oo cad, waxa soo baxa jahawareer maamul iyo culays dhaqaale oo saameeya xirfadlayaasha iyo shacabka guud ahaan.

Dawladnimada casriga ahi waxay ku dhisan tahay mabda’a sharciyadda (rule of law), isla markaana waxay u baahan tahay in go’aannada maaliyadeed lagu saleeyo awood sharci oo qeexan, isla xisaabtan, iyo tixgelinta xaaladda dhaqaale ee bulshada. Haddii aan la xaqiijin mabda’aas, kharashaadka is-daba-joogga ahi waxay wiiqi karaan kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha dowladeed, isla markaana waxay caqabad ku noqon karaan horumarinta ganacsiyada Soomaaliyeed.

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *