Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faragalin ku sameeyay maamulka Ururka Qareennada Soomaaliyeed, isagoo soo saaray Xeer Wasiir lagu dhisayo hoggaan ku-meel-gaar ah muddo laba bilood ah, laga bilaabo 24-ka Nofeembar 2026.
Faragalintu waxay timid saacado yar ka hor doorashadii hoggaanka Ururka ee loo qorsheeyay 25-ka Nofeembar 2026. Doorashadu waxay ahayd mid loogu talagalay in qareennadu si toos ah, iyaga oo adeegsanaya hannaan doorasho oo tartan furan ah, u doortaan hoggaanka ururkooda.
Sida uu sheegay Guddiga Doorashada Ururka Qareennada Soomaaliyeed, 496 qareen ayaa iska diiwaangeliyey in ay codkooda bixiyaan. Doorashadan waxaa lagu soo dooran lahaa 22- xubnood ee Golaha Dhexe ee Ururka Qareennada, Saddex musharrax oo u taagan xilka madaxweyne-ku-xigeen iyo Xoghayaha Guud oo ay u tartamayaan afar musharrax.
Doorashadu waxay ahayd tallaabo taariikhi ah oo ku saabsan horumarka hay’adeed ee Ururka Qareennada Soomaaliyeed, waxayna qareennada siinaysay fursad ay ku doortaan wakiilladooda si habraac hufan, xor oo cadaalad ah.
Tan iyo markii hoggaanka Ururka si iskiis ah loo soo xushay dhawr iyo toban sano ka hor, ma dhicin doorasho tartan furan leh. Hase yeeshee, faragelinta Wasiirka Caddaaladda ee Soomaaliya ayaa carqaladeysay fursaddan muddada dheer la sugayay ee dib-u-cusboonaysiinta hoggaanka Ururka, iyadoo loo marayo hannaan dimuqraadi ah.
Waqtiga ay faragelintu ku soo beegantay ayaa si gaar ah walaac u leh. Geeddi-socodka doorashadu wuxuu socday muddo ku dhow labo sano, muddadaas oo lagu diiwaangelinayay codbixiyeyaasha laguna soo gudbinayay musharraxiinta, iyadoo aysan jirin faragelin muuqata ee dowladda. Hase yeeshee, markii ay qareennadu isu diyaarinayeen inay codkooda dhiibtaan, ayay Wasaaradda Caddaaladdu soo faragelisay, iyadoo sheegtay inay soo saari doonto hagaha guud ee doorashada Ururka.
Su’aalaha muhiimka ah ee isweydiinta mudan ayaa ah: Maxay dawladdu u faragelisay xaqa Ururka Qareennada u leeyahay inuu si madax-bannaan u doorto hoggaankiisa, iyadoo isla dawladdu ku andacoonayso inay markii ugu horreysay dalka ka hirgelinayso doorashooyin furan?
Ma waxaa jiray walaacyo sharci, maamul ama habraac oo la xiriiray geeddi-socodka doorashada ee ururka?Haddii ay jireen, maxaa loo soo bandhigi waayay muddadii ku dhowayd labada sano ee lagu jiray abaabulka iyo diyaarinta doorashada?
Ugu dambayn, faragelintani ma waxay ahayd tallaabo lagu xallinayo caqabado hay’adeed, mise waxay hakisay geeddi-socod ay qareennadu ku doonayeen inay ku gutaan xaqooda is-maamulka xirfadeed?
Walaaca ugu weyn ayaa ah in dawladdu ay doorbidi karto hoggaanka Ururka Qareennada ah oo la jaanqaadaya ajendaheeda siyaasadeed, halka uu ka ahaan laa in xirfadlayaasha sharcigu si madax-bannaan u doortaan cidda matalaysa. Suurtagalnimadaas waxay si toos ah uga hor imaanaysaa mabda’a ah in qareennadu xor u yihiin inay matalaan macaamiishooda, isla markaana difaacaan xuquuqda dastuuriga ah iyaga oo aan ka baqayn aargoosi siyaasadeed.
Arrintu waxay sidoo kale dib u soo nooleysaa xiriirkii taariikhiga ahaa ee u dhexeeyay dawladda Soomaaliya iyo xirfadda sharciga. Qodobka 6aad, xaraf (b) ee Xeerka Qareennada 1975 wuxuu dhigayaa in qareenku noqdo qof waafaqsan Mabaadii’da Kacaanka.
Qodobkani wuxuu muujinayaa jawiga siyaasadeed iyo fikradeed ee sharcigaas lagu soo saaray. Haddii uu maanta weli muhiim noqdo, waxay keenaysaa su’aalo culus oo ku saabsan heerka ay xirfadda sharciga uga gudubtay xakamaynta siyaasadeed ee taariikh ahaan lagu hayay qareennada.
Faragelinta arrimaha gudaha ee Ururka Qareennada, haddii lagu saleeyo fasiraad sharci oo wiiqaysa madax-bannaanida mihnadda sharciga, waxay dhalinaysaa su’aalo ku saabsan ilaalinta xorriyadda xirfadda qareennimada iyo madax-bannaani, oo ay qareennadu u gutaan waajibaadkooda iyaga oo aan ku xirnayn amarro ka yimaadda hay’adaha fulinta dowladda.
Xeerarka Qaranka iyo Kuwa Caalamiga ah ee Ilaalinta Xorriyadda Ururrada iyo Madax-bannaanida Xirfadeed
Madax-bannaanida Ururka Qareennada Soomaaliyeed waa mid ku dhisan qaab-dhismeedka guud ee xeerarka u degsan Soomaaliya, kuwaas oo nidaamiya xorriyadda ururrada, madax-bannaanida xirfadeed iyo xaqa ururradu u leeyihiin inay si madax-bannaan isu maamulaan.
Dastuurka Soomaaliya iyo xeerarka shaqada ee qaranka labaduba waxay aqoonsan yihiin muhiimadda xorriyadda ururrada, oo ay ku jirto xaqa ay shakhsiyaadku u leeyihiin inay is abaabulaan, aasaasaan ururro xirfadeed iyo kuwo matala danahooda, kana qaybqaataan maamulkooda. Mabaadi’dan waxaa sidoo kale taageeraya xeerarka kale ee dalka u degsan ee khuseeya ururrada xirfadeed iyo matalaadda wadajirka ah.
Shuruucda heer caalami iyo heer gobol ee Soomaaliya ay qaybta ka tahay waxay sidoo kale ilaalinayaan oo aqoonsanyihiin xorriyadda ururrada, xaqa is-abaabulka iyo madax-bannaanida ururrada xirfadeed. Arrintaan waxaa si gaar ah loogu caddeeyay Qodobka 22aad ee Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda, Qodobka 8aad ee Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Dhaqaalaha, Bulshada iyo Dhaqanka, iyo Heshiiska Lambarka 87 ee Ururka Shaqada Caalamiga ah (ILO) ee Xorriyadda Ururrada iyo Ilaalinta Xaqa Is-abaabulka.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah arrintan u khuseeya Mabaadi’da Aasaasiga ah ee Qaramada Midoobay ee Doorka Qareennada (1990), kuwaas oo aqoonsanaya xaqa qareennadu u leeyihiin inay aasaasaan ururro xirfadeed oo madax-bannaan, doortaan hay’adahooda hoggaamineed, isla markaana maamulaan arrimahooda iyaga oo aan la kulmin faragelin dibadeed.
Waxaa sidoo kale, dammaanad qaadaya xaqa ururrada sida ku cad Qodobka 10aad ee Axdiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Shucuubta (African Charter on Human and Peoples’ Rights, 1981), kaas oo aqoonsanaya xaqa qof kasta u leeyahay xorriyadda ururrada, isla markaana mamnuucaya in qof lagu khasbo ka mid noqoshada urur.
Ugu dambayn, go’aanka Wasaaradda Caddaaladdu waa tallaabo maamul oo ay sharciyaddeedu tahay in lagu buriyo maxkamadda awoodda u leh, si loo xaqiijiyo madax-bannaanida Ururka Qareennada iyo xuquuqdiisa is-maamul. Mihnadda qareennimadu kuma dhisna oo keliya aqoonta sharciga, balse sidoo kale waxay ku dhisan tahay geesinimada lagu difaaco sharciga, caddaaladda iyo madax-bannaanida xirfadda.

No comment