HORDHAC

Soo bandhigidda Buugga Sannadka Garsoorka wuxuu ka turjumayaa dhammaan adeegyada caddaaladeed ee uu u qabtay bulshada, harumarka uu gaaray iyo caqabadaha shaqo ee soo wajahay Garsoorka dalka sanadkaas uu buuggu ku taariikheysan yahay. Ujeedka bandhiggan waa in umadda Soomaliyeed iyo ciddii kale ee danaynaysa ay hal goob ka heli karaan xog dhammaystiran ee ku saabsan shaqada garsoorka ee sanadkii tagey.

Soo saaridda buugan waxa ay ku aaddan tahay goor ahaan xilliga uu qabsoomayo shir-sanadeedka Garsoorka, kaas oo la qabto bilowga sanad kasta, iyadoo sannadkani uu noqonayo kii toddobaad ee uu si habsami leh u qabsoomayo shir-sanadeedkan tan iyo markii dib loo billaabay qabsoomiddiisa sanadkii 2019, kaddib burburkii dowladnimada dalka. Sidaas si la mid ah, buuggan waa sanadkii toddobaad ee la soo bandhigayo, iyada oo horay loo soo bandhigay sanadihii tagey ee ku kala taariikheysan 2018, 2019, 2020, 2021,2022, iyo 2023.

Read more…

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *